Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

13 / 100 SEO Score

Laascaanood, 31 Luulyo 2026 – Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed, ayaa wareegto rasmi ah ku magacaabay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada, isaga oo sheegay in magacaabistan ay ku saleysan tahay aqoonta, kartida iyo waaya-aragnimada masuuliyiinta la magacaabay.

Sida lagu sheegay wareegtada Madaxweynaha, magacaabistan ayaa loo sameeyay si waafaqsan Qodobka 72-aad ee Dastuurka Dawladda Waqooyi Bari.

Masuuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah:

  • Mudane Maxamed Cali Haybe, oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Waqooyi Bari (DWBS).
  • Mudane Cabdirisaaq Nuur Xaaji Ibraahim, oo loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dawladda Waqooyi Bari (DWBS).

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay masuuliyiinta cusub, isaga oo u rajeeyay inay si hufan u gutaan waajibaadka culus ee loo igmaday, isla markaana Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyadda ay la wareegeen.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hannaanka maamulka iyo tayeynta shaqada hay’adaha Madaxtooyada Dawladda Waqooyi Bari.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79