Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Dalalka Cameroon iyo Gabon ayaa ku baaqay in Midowga Afrika uu soo afjaro howlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM ka wada Soomaaliya, iyagoo sheegay in la joogo waqtigii la soo gabagabeyn lahaa howlgalada noocan oo kale ah ee qaaradda Afrika.

Labadan dal oo xubno ka ah Midowga Afrika ayaa sheegay in aan la sii wadi karin kharashaadka culus ee ku baxaya ciidamada nabad ilaalinta, waxayna su’aal geliyeen inta muddo ee Afrika awoodi karto inay sii maalgeliso howlgalka Soomaaliya. Hadalkan ayay ka jeediyeen shir degdeg ah oo ay yeesheen la-taliyeyaasha militariga ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Cameroon iyo Gabon ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay isu diyaariso maalinta ay ciidamada shisheeye ka baxayaan dalka, iyagoo xusay in Soomaaliya ay tahay inay la wareegto mas’uuliyadda amnigeeda, sida lagu daabacay The East African.

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii yaraanayaan dhaqaalaha ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee lagu taageero howlgalka AUSSOM, taasoo dhalisay dood ku saabsan mustaqbalka howlgalada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

Phone

+252 61 2 77 99 79