Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score
Wasiirka Wasaarada Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga Dawladda Waqooyi Bari mudane Cabdikariim Deyr Abdi ayaa kulan shaqo kutagay xarunta Hay’adda caalamiga ah ee Qaramadda midoobay uqaablisan cuntada iyo beeraha ee FAO. Representative and Country director for FAO Somalia mudane Etienne Peterschmitt oo uu weheliyo Field Cordinator Abdi Adam ayaa Wasiir Deyr kusoodhaweeyey xafiiska ugu sareeya FAO kuleedahay dalkeena Soomaaliya.
Wasiirk Cabdikariim ayaa soobandhigay sida ay WB diyaar ugu tahay in ay wadashaqayn dhaw iyo iskaashi yeeshaan FAO, Sidookale in ay kafaa’idaystaan mashaariicda socda iyo kuwa qorshaha kujira ee laxidhiidha Horumarinta Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta reer miyiga ee dalkeena loogu talogalay.
Mr Etienne ayaa kudheeraaday sida FAO diyaar ugu yihiin in ay lashaqeeyaan, si rasmi ahna uga hawlagalaan Dawladda Waqooyi Bari, si lamid ah sida dawlad goboleedyadda kale ee xubnaha ka’ah DFS.
Ugu dambayntii Wasiirka ayaa ka mahadceliyey soodhaweyntii. Waxaana lagu balamay wadashaqayn wanaagsan.
Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay