Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in xubno ka tirsan wakiilada Beesha Caalamka ay xiriir la sameeyeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyagoo ka dalbaday inay door ka qaataan dadaallo lagu dhex dhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka mucaaradka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan horudhac ah, isla markaana ay aqbaleen in la bilaabo wada-hadallo hordhac ah oo ay ku soo bandhigayaan aragtiyahooda siyaasadeed iyo qodobada ay isku maandhaafsan yihiin.
Wakiilada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka, ayaa la sheegay inay hormuud ka yihiin dadaalladan, iyagoo doonaya in la yareeyo xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si cad u muujiyay inay ku adkeysanayaan in la helo dhexdhexaadiyayaal madax-bannaan, isla markaana aysan kaligood la fariisan doonin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama ay horey u jireen isku dhacyo siyaasadeed iyo kalsooni darro u dhexeysa labada dhinac.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah wakiilada caalamiga ah ay bilaabeen kulamo gaar-gaar ah oo ay la leeyihiin dhinacyada siyaasadda, si loo abuuro jawi lagu kalsoonaan karo oo horseedi kara wadahadal rasmi ah.
