Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

4 / 100 SEO Score

Hayโ€™adaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in maanta laga bilaabo aan magaalada dhexdeeda lagu wada karin hubka culus oo ay ka midka yihiin qoryaha lidka diyaaradaha, boobayaasha culus iyo gantaallada garabka laga tuuro.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Bay, Gaashaanle Sidiiq Aaden Doodishe oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in ay cidI ku dhex wadato magaalada hub.

โ€œMaanta laga bilaabo waxaa mamnuuc ka aha in magaalada dhexdeeda lagu isticmaalo hubka waaweyn, oo dhashiikuhu ka mid yahayโ€.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dhacdooyin kala duwan oo dhanka amniga ah laga soo wariyay magaalada Baydhabo, xilli ay kaabiga ku soo hayso doorashada maamulkaasi oo dhacaysa dhamaadka bishaan Abriil.

Shalay waxaa magaalada lagu dilay ilaa saddex qof oo aan ilaa iyo hadda war laga haynin ciddii falkaasi gaysatay sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo isaga baxay qaar ka tirsan ciidamadii taageersanaa madaxweynihii hore ee maamulkaas Lafta-gareen, kuwaas oo dhawaantaan lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo gudaha magaalada.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

ยฉ 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay