Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay miino la doonayay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida magaalada, kadib howlgal ay si feejigan u fuliyeen.

Wararka laga helayo saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in miinada lagu qabtay nin lagu magacaabo Yuusuf Jeeri, kaas oo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Marka.

Howlgalkan ayaa yimid kadib xog sirdoon oo tilmaamaysay in la qorsheynayay fal amni darro oo lagu qalqal gelinayo magaalada. Ciidamada ayaa si degdeg ah uga hortagay khatartaas, iyagoo miinadii ka saaray goobta si looga badbaadiyo shacabka waxyeello.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu hayo eedeysanaha si loo ogaado cidda ka dambeysay qorshaha iyo haddii ay jiraan dad kale oo ku lug lahaa.

Degmada Marka ayaa kamid ah meelaha ay mararka qaar ka dhacaan falal amni darro, waxaana ciidamada ammaanka ay wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo badbaadada shacabka.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay