Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday gogol wadatashi qaran oo lagu xallinayo arrimaha masiiriga ah ee dalka, si loo helo hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka, loona adkeeyo nidaamka dowladnimo iyo dimuqraadiyadda dalka.
Tan iyo markii dowladdu ku dhawaaqday gogosha wadatashiga bishii Maarso 2025, waxaa ka qeybgalay wadatashiyo ballaaran oo ay la yeesheen dhammaan madaxdii hore ee dalka, bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin kala duwan, si loo dhageysto talooyinka ku aaddan dhismaha dowladnimo casri ah oo ka jawaabta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
Dowladdu waxay mar kale ku celinaysaa in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu xalliyo wada-xaajood, wadatashi iyo is-afgarad ku dhisan dastuurka, sharciga iyo danaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda waxay si buuxda u aqoonsan tahay doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed, gaar ahaan marka la gaarayo hannaan doorasho oo hufan iyo xasillooni siyaasadeed.
Iyadoo laga jawaabayo baaqii ka soo baxay shirkii Golaha Mustaqbalka ee lagu qabtay Kismaayo 18–20 December 2025, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay fidisay gogol wada-xaajood dhab ah oo turjumaysa niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran. Gogoshan ayaa si rasmi ah uga furantay Madaxtooyada Qaranka 18 Febraayo 2026, iyadoo ujeeddadu tahay in laga gaaro is-afgarad ajendayaal hore loo soo heshiiyey.
Ka hor inta aan la guda gelin wada-xaajoodyada, waxaa kulamo doceedyo lagu soo heshiiyey in diiradda la saaro saddex qodob oo kala ah:
-
In la sameeyo guddi ka soo talo bixiya arrimaha doorashada federaalka.
-
In la qabto doorashooyinka Dowlad-goboleedyada.
-
In bisha Abriil 2026 la qabto kulan labaad oo gogosha si loo sii ambaqaado hanaanka doorashada federaalka.
Dowladdu waxay nasiib darro ku tilmaantay in maalintii koowaad ee wada-xaajoodka ay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka beddeleen ajendihii lagu heshiiyey, iyagoo soo daray qodobo cusub oo aan hore loogu heshiin, kuwaas oo la xiriira dastuurka iyo arrimo sharci. Dowladda waxay caddeyneysaa in Golaha Mustaqbalka ay talo ku yeelan karaan hannaanada doorashada Dowlad-goboleedyada, balse aysan ka hor imaan karin mabaa’di’da dastuurka dalka.
Iyadoo ilaalinaysa ruuxda wada-xaajoodka iyo hannaanka sharciyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujisay dulqaad, dabacsanaan iyo dadaal joogto ah oo lagu ilaalinayo ajendihii hore loogu heshiiyey, si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah.
Dowladdu waxay nasiib darro ku tilmaantay in Golaha Mustaqbalka ay soo saareen bayaan baal-marsan habraacyadii, isla markaana dhaawacaya kalsoonida wada-hadalka. Dowladda waxay ku boorrinaysaa dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan wada-xaajoodka, una hoggaansamaan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa in albaabada wada-xaajoodku ay weli furan yihiin, isla markaana ay diyaar u tahay wadahadal dhab ah oo lagu gaaro hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka, kana turjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Dowladdu waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu dhisayo mustaqbal qaran oo mideysan, nabad ah, dimuqraadi ah, isla markaana ku dhisan dowladnimo waarta iyo wadajir bulsho.
— Dhamaad —
