Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha,  Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si dib-u-dejin loogu sameeyo qoysaskii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka dumisay guryahoodii, kana barakicisay deegaannadan.

Ujeeddada socdaalka mas’uuliyiinta ayaa ahayd fulinta ballanqaadkii Dowladda ee xasilinta deegaannada laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana la dardargeliyo howlaha dib-u-soo-kabashada bulshada. Dadka deegaanka ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo la dhisay kaddib xoreyntii deegaannadan. Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee ku nool deegaannadaas, si loo xoojiyo nolol-maalmeedka bulshada loona dardargeliyo dib-u-dhiska deegaannada xorta ah.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay