Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Warbixinta Tusmada Nabadda Caalamiga ah ee Midowga Yurub ee 2025 (GPI), oo qiimeysa xaalada nabadeed ee 163 waddan oo caalamka ah, ayaa Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ku dartay liiska dalalka ugu hooseeya, iyadoo ay heleen dhibcaha ugu yar.

Soomaaliya waxay gashay kaalinta 151aad, halka Ethiopia ay gashay kaalinta 138aad ee 163-da dal ee warbixintu xustay iyadoo 25 dal uun ka sareysa, halka Eritrea ay ku jirto kaalinta 132aad, taasoo ka dhigan in ay Soomaaliya ay ku jirto wadamada ugu liita dhanka nabadda keliya 12 wadan ayaa ka hooseeya.

Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu daray liiska dalalka ugu hooseeya marka la eego heerka nabadda ee Tusmada Nabadda Adduunka ee sanadka 2025. Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (IEP), oo diyaariya liiska dalalka ugu nabadda badan caalamka, ayaa Iceland u aqoonsaday dalkii ugu nabadda badnaa adduunka.

Tusmada Nabadda Caalamiga ah waxay cabbirtaa amniga iyo xasilloonida dalalka aduunka iyadoo adeegsanaysa 23 tilmaamood. Heerka nabadda ee waddan waxaa lagu go’aamiyaa iyadoo la eego amniga bulshada, heerka dagaallada gudaha iyo dibedda ee ay la tacaalayaan, iyo hub urursigooda ciidan.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka dhaqaalaha ugu badan ku lumiya colaadaha taas oo tusaale loo sooqaatay in wadarta dhaqaalaha waxsoo saar ee gudaha wadanka ah GDP boqolkiiba 24.71 ayku dhumisay colaadaha sanadkii 2024.

Warbixintu waxay sheegtay in Soomaaliya ay tahay dalalka kasaaraha nafeed ee ugu badani gaadheen sidoo kalena leh barakacayaal badan waxaana dalalkaas liifska kula jira, Ukraine, Palestine Burkina Faso iyo Colombia.

Warbixinta Tusmada Nabadda 2025 waxay muujisay caqabado waaweyn oo ku gedaaman nabadda dalalka Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

Warbixintu waxay xustay sidoo kale in xaaladda nabadda ee Itoobiya ay si weyn hoos ugu dhacday kaddib dagaalkii ka qarxay waqooyiga dalka dabayaaqadii 2020, gaar ahaan gobolka Tigray.

Colaaddan oo ay wehliyaan xasillooni darrida ka jirta gobollada Oromia iyo Amxaarada ayaa horseeday barakac ballaaran, xaalado bani’aadamnimo oo adag, iyo dhibaatooyin amni oo guud ah, taasoo si weyn u wiiqday nabadda iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay in marka laga soo tago dagaallada hubeysan, xasilooni darrida siyaasadeed ee Itoobiya ay tahay sabab kale oo muhiim ah oo sababtay in heerka nabaddeedu uu hoos u dhaco.

Waxaa intaa dheer, warbixintu waxay sheegtay in dadaalladii lagu doonayay in lagu xalliyo colaadaha oo ay ka mid yihiin xabbad joojin iyo wadahadallo ay ahaayeen kuwa aan dhammaystirnayn oo daciif ah.

Waxa kale oo lagu sheegay in inkastoo dowladda Itoobiya ay horumar ka samaysay wadahadallada nabadda, haddana awood-darro ay ku maareyso khilaafaadka gudaha, xalinta khilaafaadka gobollada, iyo sugidda xasilloonida joogtada ah ayaa keenaysa in dalka uu halis weyn ugu jiro khilaafyo sii socda.

Dhinaca kale, Eritrea ayaa iyaduna si liidata uga soo muuqatay Tusmada Nabadda Caalamiga ah (GPI) sababtoo ah nidaam kali-talisnimo ah oo dalka ka jiray muddo soddon sano ah iyo xadgudubyo joogto ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixintu waxay sheegtay in dalka Eritrea uu weli yahay mid ka mid ah dalalka ugu cabursan adduunka, iyadoo xurriyadda siyaasadeed ay aad u xaddidan tahay, adeeg ciidan oo qasab ah lagu hayo dadka, iyo xarigyo aan sharciga waafaqsanayn ay si baahsan u dhacaan.

Siyaasadahaan gudaha ah waxay horseedeen in Eritrea aysan wax horumar ah ka samayn nabadda, iyadoo xukun adag lagu hayo shacabka, taasoo carqaladaynaysa isbeddel kasta oo dimoqraadiyadeed ama xorriyaddo dheeraad ah.

Eritrea waxay sidoo kale ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay waqooyiga Itoobiya iyadoo garab siineysa dowladda Itoobiya, taasoo sababtay in ay dhibco hoose ka hesho tusmada nabadda ee caalamka.

Inkasta oo heshiiskii nabadeed ee 2018 ee Itoobiya iyo Eritrea uu si rasmi ah u dhammeeyay khilaafkii xuduudda, hadana xiisad ayaa markale cirka isku shareertay tan iyo markii la saxiixay heshiiskii Pretoria, kaasoo dhammeeyay dagaalkii dhiigga badnaa ee ka dhacay waqooyiga Itoobiya.

Warbixintu waxay xustay in go’doominta Eritrea ee caalamka intiisa kale, ku lug lahaanshaha dagaallo, iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ay sabab u yihiin in waddanku uusan gaari karin nabad iyo xasilooni, gudaha iyo gobolka labadaba.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay