Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

13 / 100 SEO Score

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira barnaamijka la-xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta suโ€™aallo ka weydiiyey wasaaradaha kala ah, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, isaga oo dul istaagay waxyaabaha uga hirgalay qorshaha wax-qabadka sannadlaha ah ee Xukuumadda.

Isla-xisaabtankan ayaa diirradda saaraya mideynta dadaalka dowladda, taasi oo xoojinaysa kalsoonida shacabka ay ku qabaan hayโ€™adaha dawladda, maadama Qorshaha Xukuumadda uu yahay mid ka jawaabaya baahiyaha shacabka, isla markaana horseed u noqonaya dowlad-wanaag.

 

Wasaaradahan ayaa sanadkan hirgeliyey waxqabadyo muuqda, oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamka Federaalka, dib-u-heshiisiinta bulshada, iskaashiga caalamiga ah iyo difaaca danaha Qaranka, adkeynta amniga gudaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, dib-u-xoreynta, iyo horumarinta adeegyada cadaaladda iyo dib-u-eegista dastuurka dalka.

 

Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay joogtaynayso isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta ayna noqon doonto sifo saldhig u noqota hirgalinta qorshayaasha dowladda.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

ยฉ 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay