Sida uu ku warramayo wargeyska mundo Deportivo, weeraryahanka Barcelona ee Lamine Yamal ayaa dejiyay hadafyo cusub oo uu ku doonayo inuu kor ugu qaado saameyntiisa garoonka xilli-ciyaareedka 2025/26.

Xiddiga da’yarta ah ee Rocafonda, kaasoo kulankii furitaanka horyaalka ee Mallorca dhaliyay gool, caawiyay mid kale isla markaana si weyn uga qeyb qaatay weerarka, ayaa go’aansaday inuu kor u qaado heerkiisa shaqsiyadeed.
Yamal ayaa bartilmaameed ka dhigtay:
-Inuu dhaliyo goolal ka badan kuwii xilli ciyaareedkii hore.
-Inuu kaalin weyn ka qaato laadadka xorta iyo rigooreyaasha.
-Inuu noqdo tiirka dhexe ee weerarka Barcelona.
Weeraryahankan 18-jir ah, oo dhawaan xirtay lambarka caanka ah ee 10, ayaa qaaday masuuliyadda hogaaminta hal-abuurka iyo tirakoobka kooxda.
Tababarada ayaa durba muujinaya dadaalkiisa, isagoo xoogga saaraya dhamaystirka, laadadka fog iyo laadadka meelaha gaa-gaaban. Macallimiinta iyo ciyaartoyda kale ayaa qiray kartidiisa iyo hamigiisa.
Kadib markii uu soo jiitay xagaaga iyo kulankii furitaanka, hadafyadan cad ayaa muujinaya inuu doonayo inuu xilli-ciyaareedkan dhigo taariikh, isagoo noqon kara mid ka mid ah xiddigaha ugu caansan La Liga.
KALA SOCO WARARKEENA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.