Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku hareereysan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu burburiyay isbaarooyin ay dadka ku baadi jireen al shabaab, iyo goobo kale oo ay ku dhuumaaleysanayeen.
Howlgalka geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka sameeyeen deegaanka Cumar Beerre ayaa ah mid dhagarta kooxaha ee looga dulqaadayay shacabka ku dhaqan deegaankaas iyo deegaannada kale ee ku teedsan, si loo soo celiyo nabadda, kalsoonida bulshada, iyo xasilloonida.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.