Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

5 / 100 SEO Score

Go’aankii maxkamadeed ee dhowaan lagu mamnuucay in haadda lagu quudiyo meelaha dadweynuhu isugu yimaadaan magaalada galbeedka Hindiya ee Mumbai ayaa noqday arrin xiisad ka dhex dhalisay hay’adaha dawladda hoose, dhaqdhaqaaqayaasha caafimaadka dadweynaha, iyo dadka jecel xayawaanka.

Bishan gudaheeda, boqolaal qof ayay laba jeer isku dhaceen booliiska iyagoo ka mudahaaradaya xiritaanka goob lagu quudiyo baalleyda oo tobanaan sano jirtay, taasoo loo yaqaan kabutarkhana. waa erey af-Hindi ah oo hadada ku tacalluqa.

Qaar ka mid ah dadka mudahaaradayay ayaa rabshado sameyay, waxayna ku hanjabeen inay billaabi doonaan cunto-ka soomid aan waqti lahayn. Warbaahinta ayaa sheegtay in booliisku si kooban u xireen ilaa 15 qof intii uu socday mudaharaad kale.

Mas’uuliyiinta ayaa xarigga u sababeeyay walaaca caafimaad ee ka imaan kara saxarada qoolleyda.

Arrintan kuma koobna Mumbai oo keliya. Venice, waxaa laga mamnuucay in haadda lagu quudiyo barxadaha taariikhiga ah. Singapore waxay ganaaxyo culus ku soo rogtay goobaha shimbiraha, halka New York iyo London ay xadideen goobaha lagu quudin karo.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay