Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in tirada ciyaartoyda kooxdiisa haatan ay “xad dhaaf tahay” isla markaana uu doonayo in qaar badan ay baxaan.
Guardiola ayaa hadalkan jeediyay kadib markii City ay 4-0 ku xaaqday Wolves kulankoodii furitaanka Premier League Sabtidii. Weeraryahanka reer Norway Erling Haaland ayaa dhaliyay labo gool, halka labada xiddig ee cusub Tijjani Reijnders iyo Rayan Cherki ay iyaguna shabaqa soo taabteen.
Inkasta oo ay guul weyn heleen, Guardiola ayaa ka cabanaya tirada badan ee ciyaartoyda uu haysto:
“Aad ayey u badan yihiin – waa dad aad u fara badan.
Waxaan jecelahay in aan helo koox ballaaran si aan tartamada oo dhan ugu tartano, laakiin ma doonayo in ciyaartoyda guriga lagu reebo.
Taasi caafimaad ma aha. Ma abuuri kartid jawi iyo niyad wanaagsan oo lagu tartamo.”
Guardiola ayaa intaas ku daray in uu rajeynayo in ciyaartoyda iyo wakiilladoodu ay xal keenaan “labada toddobaad ee soo socda.”
KALA SOCO WARARKEENA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.