Halyeeyga qaranka Chile Arturo Vidal ayaa ku tilmaamay Lionel Messi inuu yahay ciyaaryahanka ugu muhiimsan xulka Argentina.
Vidal oo ka hadlayay koobkii Copa América ee 2016, ayaa sheegay in qorshaha Chile uu ahaa in la joojiyo Messi, maadaama kulanka finalka ay ku wajahnaayeen Argentina.

“Waxaan haysannay qorshe cad: markasta oo Messi kubadda helo, ciyaaryahanka ugu dhow waa inuu cadaadiyaa, marna looma oggolaan in Messi boos helo,” ayuu Vidal ku sheegay barnaamijka A dos cámaras ee YouTube.
Vidal ayaa xusay in Messi uu ahaa halista ugu weyn ee xulka Argentina maadaama uu awood u leeyahay inuu ka gudbo dhowr ciyaaryahan oo uu gool dhaliyo.
“Waxaan ogaanay inuu yahay xiddiga ugu muhiimsan ee Argentina haysato. Isagu keligii ayuu halis abuuri karaa, wuxuuna ka gudbi karaa hal, labo, xitaa saddex ciyaaryahan.Way ugu baxdaa inuu galo meelaha ciriiriga.” ayuu raaciyay ciyaaryahankii hore ee Inter Milan.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.