Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Xiddiga daafaca dhexe ee Liverpool, Ibrahima Konaté, ayaa lagu soo warramayaa inuu Real Madrid la gaaray heshiis.weli lama xaqiijin in heshiiska uu yahay mid hadda ah ama marka qandaraaskiisu dhammaado 2026, sida ay qortay Diario AS.

Wararkan ayaa yimid xilli Liverpool ay ku dhowdahay inay dhamaystirto laba saxiix oo daafac ah – Marc Guéhi iyo Giovanni Leoni – si ay u xoojiyaan difaaca kooxda, iyadoo mustaqbalka Konaté uu mugdi ku jiro.

Konaté, oo hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa Liverpool, ayaa bartilmaameed u ahaa Real Madrid iyo Paris Saint-Germain, kuwaas oo labaduba rajaynaya inay si bilaash ah ku helaan xagaaga dambe.

Warbaahinta Spain ayaa sheegaysa in Real Madrid aysan diyaar u ahayn inay bixiso wax ka badan €25 milyan si ay u soo qaadato daafaca xagaagan, taas oo aan la filayn inay qanciso Liverpool, oo weli diiradda saaraysa inay heshiis cusub ka saxiixdo daafaca.

Inkasta oo Reds ay isku dayayaan inay sii hayaan, haddana rabitaanka Konaté ee Madrid ayaa sii xoojiyay mala-awaalka ku saabsan inuu baxayo.

Liverpool ayaa haatan dhameystireysa heshiisyada kabtanka Crystal Palace, Marc Guéhi, iyo da’yarka 18-jirka ah ee Parma, Giovanni Leoni, iyadoo labadan saxiix lagu qiyaasay inay ku kacayaan wax ka badan €75 milyan guud ahaan.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay