Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

13 / 100 SEO Score

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay xaalad deggan, inkasta oo cabsi xoogan laga qabo in dagaallo cusub ay dib uga qarxaan, kaddib iska hor-imaad culus oo shalay ka dhacay magaalada, kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, oo uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan.

Maxaa ka cusub xaalada Beledxaawo

Isgaarsiinta magaalada oo go’neyd muddo ku dhow toddobaad ayaa si weyn u saameysay nolosha dadka shacabka ah, kuwaas oo la daalaa dhacaya xaalad nololeed oo aad u liidata. Dadka deegaanka ayaa wajahaya dhibaatooyin dhinaca cunnada, biyaha iyo adeegyada kale ee daruuriga ah.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ay billowdeen barakacyo baaxad leh, iyadoo boqolaal qoys ay u qaxeen duleedka Balad-Xaawo iyo xuduudaha Kenya iyo Itoobiya, si ay uga fogaadaan saameynta colaadda.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ee dagaalka ku lug lahaa weli ay ku sugan yihiin halkii ay horay u joogeen – ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku sugan Xerada UK, halka kuwa Jubbaland ay weli joogaan gudaha magaalada.

Dhinacyada is haya – Dowladda Federaalka iyo Jubbaland – ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu hurinayo colaadda, taas oo si weyn u murjisay dadaallada lagu raadinayo xal waara oo gobolka Gedo ah.

kala soco wararkeenna dalbile radio 98.0 mhz kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay