Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Tababaraha cusub ee Barcelona, Hansi Flick, ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda kooxda ay go’aamin doonaan kabtanka cusub, taasoo imaneysa xilli ay jiraan warar sheegaya khilaaf u dhexeeya Flick iyo kabtanka hadda ee Marc-André ter Stegen.

“Kooxda ayaa had iyo jeer doorata kabtanada, sida horayba loo sameyn jiray. Inta badan labo toddobaad kahor bilowga xilli ciyaareedka, ayuu yiri Flick ka hor kulanka saaxiibtinimo ee Khamiista ay la ciyaarayaan Seoul FCM.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Ter Stegen uu Talaadadii maray qalliin dhabarka, taasoo la filayo inuu garoomada kaga maqnaado muddo afar ilaa shan bilood, taasoo si weyn u saameyn karta doorkiisa hoggaamineed.

Waxaa sidoo kale la sheegay in xiriirka Ter Stegen iyo kooxda uu xumaaday, kaddib markii uu diiday inuu ka tago kooxda ama uu qaatay mowqif ka duwan qorshaha caafimaad ee kooxda, iyadoo durba Barcelona ay la saxiixatay goolhaye Joan García si uu u buuxiyo booskaas.

Go’aanka Flick uu ciyaartoyda ugu dhiibay doorashada kabtanka, ayaa la filayaa in la gaaro kaddib marka kooxda ay kasoo laabato safarkeeda Asia, taasoo ka dhigeysa kabtannimada kooxda mid haatan ku jirta mugdi iyo su’aal weyn.

 

Inkastoo Ter Stegen uu yahay mid kamid ah tiirarka ugu waaweyn ee kooxda tan iyo markii uu yimid 2014, haddana xaaladda caafimaad iyo khilaafka jira ayaa keeni kara in hoggaanka kooxdu u wareego xiddig kale.

 

Waxaa la sugayaa cidda ay ciyaartoyda u arkaan hoggaamiye dhab ah oo kooxda horseedi kara xilli ciyaareedkaan cusub oo ay Barcelona ku dooneyso inay dib ugu soo laabato dagaalka hanashada horyaalka iyo Champions League.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE  RADIO 98.0 Mhz KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay