Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Shakhsiyaad aan la aqoonsan oo la socday dooni alwaax ah ayaa rasaas ku furay markab xoolo siday oo uu ka babbanayay calanka Comoros kaas oo marayay Badda Cas.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la sheegay inay ku qasbeen markabka inuu u leexdo magaalada dekedda ah ee Mocha ee Yemen, halkaasoo si ku meel gaar ah loogu xiray.

Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa markii dambe sheegay in markabka ay qabteen ciidamada ilaalada xeebaha Yemen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada badda Yemen ayaa lagu soo warramayaa in uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in markabkan loo haystay tuhun ka dibna la sii daayay.

Maamulka badda ayaa ka naxay sababta oo ah markabku waxa uu damiyay AIS (Nidaamka Aqoonsiga Tooska ah) xilli uu ka soo shiraacday waqooyiga Geeska Afrika.

Kala Soco Dalbile Radio 98.0Mhz Kismaayo iyo Nawaaxigeeda.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay