Waxaa si weyn loo cambaareeyay dilka loo geystay nin iibiya Maskalaatada Afka lagu xirto oo si arxan-darro ah loogu toogtay meel u dhow dibadbaxyada lagaga soo horjeeday Elind Lagat, waxaana muuqaal laga helay askari booliska kenya ah oo si af-saar ah u toogtay ninkaan oo aan wax hub ah wadan, waxaana falkani uu dhaliyey carro weyn iyo cabasho laga muujinayo hab-dhaqanka booliska Kenya.
Hoggaamiyeyaasha ururada xuquuqda aadanaha, iyo dadweynaha Kenya ayaa dalbaday in si degdeg ah loo baaro dilkaasi waxaana loo baahan yahay in askariga dilka geystay sharciga la hor keeno si loo waafajiyo caddaaladda.
“Toogashada naxdinta badan ee loo geystay nin iibiya Maskalaatada Afka lagu xirto waa fal waxshinimo ah waana wax laga naxo,” ayuu yidhi Gideon Moi, oo ah hoggaamiye siyaasadeed, waxaana uu booliska Kenya ugu baaqay in si muuqda loola xisaabtamo askariga falkan geystay.
Sidoo kale, Xildhibaan Caleb Amisi ayaa isaguna su’aal galiyey sababta askariga boolisku u dilay ninkan, waxaana uu yiri: “Maxaa sababay in sarkaal boolis ah uu toogto qof rayid ah oo kaliya iibiya Maskalaato si uu u quudiyo qoyskiisa? Waa arrin aad looga naxo waxaana loo baahan yahay in sharciga la horgeeyo.”
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Kenya ay wajaheyso dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, waxaana muuqaal laga helay askari boolis ah oo si toos ah u toogtay ninkan rayidka ah, waxaana muuqaalkaasi si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana muuqatay carro dadweyne oo laga muujinayo falkan.
Ururada xuquuqda aadanaha, ururada rayidka, iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ah ayaa dalbaday in si hufan loo baaro dilka, waxaana ay si degdeg ah u dalbadeen in cadaalad loo fuliyo qoyska dhibanaha, waxaana sidoo kale booliska laga dalbaday in ay dib u eegaan hab-dhaqankooda, si loo sugo ammaanka muwaadiniinta loogana fogaado falalka rabshadaha ah.