Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Luis Diaz ayaa weli ka go’an inuu ku biiro Barcelona xagaagan, waxaana uu aaminsan yahay imaatinka Florian Wirtz ee Liverpool inay ka caawin doonto bixitaankiisa Anfield.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Colombia, kaasoo Reds kaga soo biiray Porto aduun dhan 37 milyan bishii January 2022 ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysiga Liverpool ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Diaz ayaa labo sano uga hartay qandaraaskiisa Merseyside iyadoo kooxda ay dhawaan Meesha ka saartay bixitaanka xiddiga ee suuqa xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, 28-sano jirkaan ayaa weli qalbigiisa ku jira inuu u dhaqaaqo Camp Nou iyadoo Mundo Deportivo ay warineyso inuu ‘kaliya ka fikirayo inuu u ciyaaro Barcelona xilli ciyaareedka soo socda’.

Wararka ayaa intaas ku Daraya in uu xiddigu dareemayo in ayna kooxdu qadarin isaga isla markaas uu doonayo in uu rumeeyo riyadiisa ku biirista Barcelona.

Diaz ayaa dareensan in imaatinka Wirtz uu ka caawin karo bixitaankiisa Liverpool iyada oo Reds ku dhawdahay in ay baanka u jabiso xiddiga Wirtz.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay