Xiisad xooggan ayaa ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, kadib dagaal culus oo shalay dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland, kaas oo ka dhacay tuulada Amiin ee duleedka magaalada Beledxaawo.
Wararka laga helayo xuduudda ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada Mandheere ee dalka Kenya, halka ciidamada DFS ay adkeeyeen amniga xadka, isla markaana ay xireen goobaha muhiimka ah, iyagoo fulinaya dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgal culus.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay in ciidamada DFS, oo loo dhaariyay difaaca dalka iyo ka hortagga cadawga, loo adeegsado dano gaar ah oo uu sheegay inay wiiqayaan nidaamka iyo hay’adaha Jubbaland. Wuxuu ku adkeeyay in cid kasta oo ku lug leh falalkan ay wajihi doonto xisaabtan buuxa.
Xiisaddan cusub ayaa imaneysa iyadoo labada dhinac ay horey ugu dagaallameen xadka Beledxaawo, taas oo marar badan khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba sababtay.
KALA SOCO WARARKEENA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.