Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

13 / 100 SEO Score

Xamaas ayaa ogolaatay soo-jeedintii ugu dambeysay ee dhexdhexaadiyeyaasha gobolka ee ku saabsan xabad-joojin iyo heshiis lagu sii daayo la haystayaasha Qasa, sida uu BBC-da u sheegay ilo-wareed ka tirsan kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta.

Soo-jeedintan oo ka timid Masar iyo Qadar ayaa la sheegay inay ku saleysan tahay hindise uu bishii Juun soo bandhigay ergayga Mareykanka ee Steve Witkoff.

Qorshuhu wuxuu dhigayaa in Xamaas sii deyso ku dhowaad kala bar 50-ka la hayste ee Israa’iil – iyadoo 20 ka mid ah la aaminsan yahay inay nool yihiin – kuwaasoo lagu sii deynayo inta lagu jiro xabad-joojinta 60 maalmood ah. Waxaa sidoo kale jiri doona wadahadallo ku saabsan xabad-joojin joogto ah.

Lama caddeyn waxa ay noqon doonto jawaabta Israa’iil, maadaama xafiiska Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu toddobaadkii hore sheegay in uu ogolaan doono heshiis keliya haddii “dhamaan la haystayaasha hal mar la sii daayo.”

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay