Tababarihii hore ee Plymouth Argyle, Wayne Rooney, ayaa si adag uga hadlay xaaladda weeraryahanka Newcastle, Alexander Isak, kaasoo wararka sheegayaan inuu diiday inuu u ciyaaro kooxda isla markaana uu ku adkaysanayo in la iibiyo.
“Inuu diido tababarka waxay ka dhigaysaa mid aad u adag inuu garoonka ku soo laabto. Tani waa arrin kalsooni – wuxuu hayaa jiho qaldan. Waxaa laga yaabaa in si qaldan loogu talinayo… Koox kasta oo doonaysa saxiixiisa, sida Liverpool, waa inay ka fiirsato haddii ciyaaryahankan uu yahay kan ay dhab ahaan rabaan,” ayuu Rooney u sheegay Tuttomercatoweb.
Rooney ayaa xusuustay hab-dhaqankiisii markuu isagu codsaday in la iibiyo: “Markii aan codsaday in aan baxo, marnaba ma aanan diidin inaan tababarto ama ciyaaro. Maanta, ciyaartoydu waxay wax walba u huraan kooxda iyo taageerayaasha. Halkan waxaan ku aragnaa ciyaaryahan diiday inuu garoonka soo galo, inkastoo ay saddex sano uga hadhsan tahay qandaraaskiisa isla markaana uu qaato in ka badan £100,000 toddobaadkii. Taasi lama aqbali karo.”
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.