Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa fiidnimadii caawa kula kulmay magaalada Dooxa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen, Mudane Mustapha Ahmed Mohamed Noman, oo ka qeybgalaya Shirka heer Wasiir ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka

Wasiir Cabdisalaan ayaa bogaadiyay xiriirka walaaltinimo ee xooggan ee ka dhaxeeya labada dal, isagoo caddeeyay in Soomaaliya ay taageersantahay dowladda Yemen, carabaabayna muhiimadda ay leedahay midnimada, xasilloonida, iyo amniga Yemen, iyo sidoo kale dadaalka loogu jiro sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Dhankiisa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen ayaa ka hadlay xiriirka labo geesoodka ee salka adag iyo dadaalka uu ku bixin doono kor-u-qaadidda iskaashi dhinacyo badan leh oo u adeegaya danaha labada dal ee walaalaha ah, isaga oo cadeeyay in Yemen ay taageersantahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo dadaalka ay ugu jirto xaqiijinta amniga, horumarka, iyo la dagaalanka argagixisada.

Labada dhinac ayaa isla gartay baahida loo qabo in la helo isku xirnaan dhow si looga hortago caqabadaha halista ku ah xasilloonida iyo amniga labada dal.

 

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0  Mhz KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay