Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xalay booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi, oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed, kuna sugan magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Sheekha soo dhoweyntii diirranayd ee uu u fidiyey, isagoo sidoo kale Alle ka baryey in laga aqbalo ducadii kheyrka ahayd ee Sheekhu u jeediyey Ummadda Soomaaliyeed iyo Dalkeenna, kana dhigo mid la aqbalo oo khayr badan horseeda.

 

Ugu dambeyn, Wasiirku waxa uu Sheekh Cabdirashiid iyo dhammaan culimada Soomaaliyeed u rajeeyey caafimaad, cimri barako leh, iyo in Alle ku anfaco Ummadda Soomaaliyeed.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 Mhz KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

 

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay