Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb. Ahmed Macallin Fiqi oo kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka ALSHABAAB  ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku Oriya geesiyaasha qaranka halganka ah ugu jiraan sidii dalka looga ciribtiri lahaa cadowga dalka iyo dadka eeAl-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in cadowga duulaankooda uu yahay baadil, xaqqana uu yahay midka ay har iyo habeen u soo jeedaa Ciidanka qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya, wuxuuna geesiyada qaranka ku dhiirigeliyay in ay yihiin kuwo Dalkooda u halgamaya.

“Kuwa u baahan dhiirrigelin waa bulshada, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal dalkooda u halgamay oo cadowga ka xoreeyay.” ayuu yiri wasiir.

Ugu dambeyn, wasiir Ahmed Macallin Fiqi ayaa ciidamada uu la kulmay u sheegay in ay diyaar u noqdaan dhammeystirka iyo soo afjaridda Dhallinyarada dacas la’aanta ee ku dhuumaaleysanaya keymaha howdka iyo gododka ah qoteen.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

 

 

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay