Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay doonayso inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka.
Hadalkiisa ayaa yimid ka hor wareegii labaad ee wadaxaajoodyada aan tooska ahayn ee u dhexeeya wakiillada Mareykanka iyo Iiraan ee ka dhacaya Geneva, iyadoo ay dhexdhexaadineyso dowladda Khaliijka ee Cumaan.
Isagoo la hadlayay weriyeyaasha xili uu saarnaa diyaaraddiisa Air Force One, Mr Trump waxa uu sheegay inuusan u maleyneynin in maamulka Iiraan ay rabaan inay wajahaan “cawaaqibka ka dhalan kara inaan heshiis la gaarin.”
Dhankeeda, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, (iyada oo loo marayo afhayeenkeeda, Esmaeil Baqaei) ayaa sheegtay in Mareykanka uu u dhaqaaqay dhan “macquul gal ah” oo ku saabsan wadahadallada ku barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.
Isla kulankaas uu la yeeshay weriyeyaasha, Mr Trump waxa uu u sheegay inay “dhawaan” go’aan ka gaadhi doono inuu hub dheeraad ah u diro Taiwan.
