
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland, Mudane Hirad Ismaaciil Maxamed, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku tagay qeybo kamid ah dalka iyo dibaddiisa.

Soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, odayaal dhaqameed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Mudane Hirad Ismaaciil Maxamed ayaa uga mahadceliyey dhammaan dadkii sida milgaha leh ugu soo dhaweeyey, isaga oo xusay in Jubbaland ay tahay meel ay ka jirto midnimo iyo wadajir bulsho oo tusaale u ah horumarka.
kala soco wararkeenna Dalbile Radio 98.0Mhz Kismaayo Iyo Nawaaxigeeda.