Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubaland ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda amni ee guud ahaan deegaanada Jubaland, iyadoo la wadaagtay warbixinta howlgaladii amni ee ugu danbeeyay.

Sidoo kale, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siisay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada Jubaland, iyadoo si gaar ah u muujisay baahiyaha degdegga ah ee ay qabaan shacabka ay abaartu saameysay, iyo dadaallada socda ee lagu gaarsiinayo gurmad bani’aadannimo, iyada oo kaashaneysa Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay siyaasadda dakhli soo celinta adeegyada caafimaadka ee isbitaalada Jubaland. Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay siyaasaddan, iyagoo muujiyay muhiimadda ay u leedahay horumarinta iyo joogtaynta adeegyada caafimaad ee bulshada.

DHAMMAAAD

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay