
Sababta tallaabadan loo qaaday ayaa lagu sheegay inay la xiriirto rabshadaha hubeysan iyo ka ganacsiga macdanta muhiimka ah.
Tallaabooyinkan cusub ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee uu qaado maamulka madaxweyne Donald Trump, isagoo isku dayaya in nabad lagu soo dabaalo bariga Kongo, halkaas oo fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto ay ka qabsadeen magaalooyin badan.
Cunaqabatayntan ayaa la filayaa inay saamayn ku yeelato dhinacyo badan. Sannadihii u dambeeyay, Soomaalida ayaa ka mid noqday ajaaniibta maalgelinta iyo ganacsiyada ka sameeya gudaha Kongo, gaar ahaan ganacsiga qodista macdanta sida dahabka.
Haddaba, cunaqabatayntani ma saamayn doontaa ganacsatada Soomaalida ee ku nool Kongo? Su’aashan iyo kuwo kale ayaan weydiinay Khaalid Cabdirisaaq Waranle, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha jaaliyadda Soomaalida Kongo. Caa’isha Saciid ayuu uga warramay.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBIKE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.