Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa Axaddii dhigay rikoodh aan fiicnayn kadib markii kooxdiisa ay Arsenal garaacday ciyaar ka dhacday Old Trafford. Gool madax ah oo uu dhaliyay Riccardo Calafiori ayaa Arsenal ku hogaamiyay saddexda dhibcood ee buuxa.

Inkasta oo United ay muujiyeen horumar marka loo eego xilli ciyaareedkii hore, guuldarradan ayaa ka dhigtay in Amorim uu noqdo tababarihii ugu dhaqsaha badan ee gaaray 15 guuldarro oo Premier League isagoo ciyaaray 28 kulan (7 guul iyo 6 barbaro). Sida laga soo xigtay OptaJoe, tan iyo Paul Hart oo Portsmouth hoggaaminayay 2009 (27 kulan), ma jirin tababare aan koox soo dallacday haysan oo rikoodhkan deg-deg ku gaaray.
Waxaa intaa dheer, tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii 2023/24, Manchester United ayaa noqotay kooxda ugu badan ee laga dhaliyo goolasha koornooyinka ee Premier League (23 gool), halka Arsenal ay yihiin kuwa ugu badan ee ka faa’iideystay (31 gool).
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.