Opta SuperComputer ayaa saadaaliyay in Liverpool ay markale ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, taasoo noqon doonta markii ugu horreysay ee ay ku guuleystaan labo xilli oo xiriir ah.

Kooxda uu hogaamiyo Arne Slot ayaa la siiyay 28.5% fursad ah oo ay horyaalka ku difaacdaan, kaddib markii uu Slot ku guuleystay horyaalka 10 dhibcood oo farqi ah xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay isagoo beddelay Jurgen Klopp.
Arsenal ayaa loo saadaaliyay inay markale ku dhammeysato kaalinta labaad, taasoo noqon doonta markii saddexaad oo xiriir ah, iyadoo la siiyay 24.3% fursad ah oo ay ugu dambayn horyaalka ku qaadayaan markii ugu horreysay muddo 20 sano ah.
Manchester City ayaa loo saadaaliyay kaalinta saddexaad, oo ay ku dhammeysatay xilli ciyaareedkii hore, iyadoo Pep Guardiola loo arko inuu labo sano oo xiriir ah ku dhammeysanayo horyaal la’aan markii ugu horreysay tan iyo intii uu joogay England. Fursadda City ee hanashada horyaalka ayaa lagu qiyaasay 18.8%.
Dhanka kale, Opta waxay rumeysan tahay in Manchester United ay mar kale ku dhammeysan doonto qeybta hoose ee miiska, iyadoo loo saadaaliyay kaalinta 12aad.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.