Tababaraha Barcelona, Hans-Dieter Flick, ayaa shaaca ka qaaday inuusan qorsheyneyn in kooxdu soo iibsato daafac dhexe oo cusub, kaddib bixitaankii Inigo Martinez oo 34 jir ah, kaasoo ku biiray kooxda reer Sacuudi ee Al-Nassr. Martinez ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda uu Flick si weyn ugu tiirsanaa xilli ciyaareedkii hore.
“Ma filayo in la heli doono beddel buuxin kara Inigo Martinez. Waan la hadli doonaa Deco dhowaan,” ayuu yiri Flick, sida laga soo xigtay wariyaha iyo xog-ogaalka ciyaaraha Fabrizio Romano.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.