Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Madaxda mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samata-bixinta Qaranka ayaa shaaciyay in kulamadii dhowrka ahaa ee ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aysan ka soo bixin wax heshiis ah. Waxay sheegeen in qodobada la isku mari waayay ay kamid yihiin isbeddel lagu sameeyo cutubka afraad ee dastuurka iyo qaabka heshiis looga gaari karo arrimaha doorashada.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Amb. Axmed Ciise Cawad, oo ka mid ah madaxda madasha, ayaa BBC u sheegay in madaxweynuhu soo jeediyay in cutubka afraad loo qaybiyo mucaaradka iyo isaga, isaga oo qaadanaya qeyb uu isagu doorbidayo halka mucaaradkuna ay qaataan qeybta kale.

Mucaaradka ayaa si gaar ah uga soo horjeestay qaab doorasho cusub oo loogu magac daray “qaabka doorasho ee 2024”, kaas oo lagu daray cutubka afraad.

Waxay sheegeen in qaabkan uu siinayo madaxweynaha awood uu kaligiis “ku soo xulan karo guddiga doorashada, ku xaddidayo xisbiyada siyaasadda, isla markaana u oggolaanaya in isaga iyo xisbiga uu hoggaamiyo si fudud ugu guuleystaan doorashooyinka”.

Sida ay mucaaradku sheegeen, madaxweynuhu wuxuu diyaar u yahay inuu aqbalo qodobo aasaasi ah sida nidaamka baarlamaaniga, haddii mucaaradku aqbalaan waxa ay ugu yeereen “doorasho isaga u gaar ah.” Mucaaradku waxay ku adkeysanayaan in haddii doorasho qof iyo cod ah la qaban waayo, aysan aqbali doonin doorasho uu madaxweynuhu keligiis qorsheeyo; oo ay taa bedelkeeda rabaan mid lamid ah tii uu ku soo baxay 2022-dii.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay