Xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza ayaa kasii daraysa iyadoo wadahadaladii xabad-joojinta ee u dhexeeyay Israel iyo Hamas ay hakad galeen. Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in aysan sii wadayn dhexdhexaadinta, iyadoo eedayn culus loo jeediyay kooxda Hamas. Dhanka kale, Dowladda Israel ayaa sheegtay inay wali doonayso heshiis lagu soo daayo dadka la haysto.

Warbixin cusub oo ka timid wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ku dhinteen ugu yaraan 134 qof, taasoo tirada guud ee dadka ku dhintay tan iyo markii dagaalku billowday ka dhigaysa 59,029. Waxaa sidoo kale jira tiro badan oo dhaawac ah, kuwaas oo aan heli karin daryeel caafimaad ku filan.
Waxaa intaa dheer, xaaladda gaajada ayaa cirka isku shareertay, iyadoo boqolaal kun oo qof ay la daalaa dhacayaan cunto la’aan, biyo yari, iyo daawo la’aan. Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in in ka badan 6,000 gaari oo sahay ah loo diiday inay galaan Gaza. Ugu yaraan 620 qof, oo ay ku jiraan 69 carruur ah, ayaa la xaqiijiyay inay u dhinteen gaajo.

Dhanka badda, Israel ayaa gabi ahaanba mamnuucday in dadku galaan xeebaha Gaza, iyadoo kalluumaysatada la xirxiray ama laga eryay badda. Tani waxay sii xumaysay fursadaha nolosha ee qoysas badan oo ku tiirsanaa kalluumaysiga.
Iyadoo xaaladdu sidan tahay, beesha caalamka ayaa bilaabay falcelin. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu aqoonsanayo Dawladda Falastiin bisha September. Dowladda Australia iyo UK ayaa sidoo kale cambaareeyay xayiraadda sahayda iyo ku tumashada sharciga caalamiga ah.
Kala Soco Wararkeenna Dalbile Radio 98.0Mhz Kismaayo Iyo Nawaaxigeeda.