Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa u sheegtay BBC-da in in ka badan 6,000 oo fiisooyin ardayda caalamiga ah laga hakiyay sababo la xiriira “ku xadgudubka sharciyada Mareykanka iyo joogitaanka muddadii loo oggolaa dalkaas oo ka badsadeen.”

Wasaaraddu waxay Isniintii sheegtay in “tirada ugu badan” ee xadgudubyadan ay ka mid yihiin weerarro jireed, daroogada iyadoo la wado gawaari, xatooyo iyo “taageeridda argagixisada.”

Tallaabadan ayaa timid iyadoo maamulka Madaxweyne Trump uu sii wado siyaasaddiisa adag ee la xiriirta socdaalka iyo ardayda caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay shaacisay in in ka mid 6,000 oo dal ku gal la hakiyay, ku dhawaad 4,000 waxaa loogala laabtay sababo la xiriira ku xadgudubka sharciyada Mareykanka.

Waxaa sidoo kale la laalay 200 illaa 300 oo fiiso oo kale sababo la xiriira “falal argagixiso” oo lagu caddeeyey Qodobka 3aad ee Sharciga Socdaalka Mareykanka. Qodobkan wuxuu si ballaaran u qeexayaa “fal argagixiso” inuu yahay ficil kasta oo khatar gelinaya nolosha aadanaha ama jebinaya sharciga Mareykanka.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay