Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

5 / 100 SEO Score

Maanta oo taariikhdu tahay 21 Siteembar ayaa ah maalinta Qaramada Midoobey u asteysey in ay noqoto maalinta nabadda ee caalamka.

Sanadkii 1981-dii ayaa shirkii loo dhamaa ee Qaramada Midoobey isku raaceen 21 Siteembar in ay noqoto maalinta nabadda, waxaa maanta oo kale meelo kala geedisan oo dunida ah lagu qabtaa shirar looga hadlaayo muhimadda ay nabaddu leedahay.

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlada Jubaland waxaa ka dhacay shir weyn oo looga hadlayay mudnaanta ay nabadda u leedahay bulshada kaas oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda SWSO oo ay hogaamiso Xaliimo Faarax Godane oo ah hooyo Soomaaliyeed oo si weyn ugu ololeysa arimaha nabadda iyo xasiloonida bulshada dhexdeeda.

Munaasabadan xuska maalinka nabadda aduunka oo ay kaso qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno kasocday Golayaasha kala duwan ee Dowlada waxaa si qoto dheer looga hadlay ilaalinta nabadda deegaanada Jubaland, iyadoo si isku mid ah baaq nabadeed loogu diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Xuska maalinta nabadda ee sanadkan 2025-ka lagu qabtay Kismaayo ayaa halkudhig looga dhigay: “Nabadda ka shaqee aduunka nabad ha noqdee”

Xuska maalinta nabadda Adduunka ayaa inta badan ku soo beegma xiliga loo fadhiyo shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, waxaana uu sanadkan ku soo beegmayaa iyada oo Soomaaliya ka socdaan dagaalo la doonaayo in nabad lagu soo dabaalo kaas oo kasocda meelo badan oo dalka kamida..

 

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay