Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

4 / 100 SEO Score

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee arrimaha Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay go’aanka ay ku aqoonsatay Somaliland inuu sii xoojiyay xasillooni-darro gobolka ah iyo inuu daciifiyay nidaamka caalamiga ah.

 

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Al Jazeera oo la baahiyay Sabtidii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya “marna uusan ogolaan doonin” in Israa’iil ka sameysato saldhig militari oo Somaliland ah, islamarkaana ay “ka hortagi doonto” tallaabo kasta oo noocaas ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka digay in saldhigga Israa’iil uu noqon karo meel laga weeraro dalalka dariska ah. Hadalladiisa ayaa ku soo beegmay kadib markii madaxweyne Israa’iil Benjamin Netanyahu bishii Diseembar ku dhawaaqay aqoonsiga Somaliland, gobol ka go’ay Soomaaliya oo ka tirsan qaybta waqooyi-galbeed.

Somaliland waxay ku taallaa meel muhiim ah oo ka mid ah marinada badda ee caalamka, iyadoo xuduud la leh dhulal ay ka jiraan khilaafaadyo badan oo Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe ah. Israa’iil ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, kadib markii warbixin uu soo saaray Associated Press ay sheegtay in saraakiil Israa’iili ah ay la xiriireen Somaliland si ay uga wada hadlaan suurtogalnimada in halkaas laga adeegsado si loo qasbo dadka Falastiin ee dagaalka Gaza saameeyey.

Israa’iil iyo Somaliland labaduba waxay beeniyeen sheegashooyinkaasi, balse sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa bishii Janaayo sheegay Channel 12 ee Israa’iil in saldhig militari “ka mid yahay arrimaha la miisaanaya oo laga wada hadlayo”, inkasta oo hirgelintiisu ku xirnaan doonto shuruudo gaar ah.
Soomaaliya ayaa si cad u cambaareysay tallaabada Israa’iil, iyada oo ku tilmaantay weerar ku socda midnimada dhuleed ee dalka, waxaana taageeray hoggaamiyayaal badan oo Afrikaan iyo Carab ah, iyada oo Netanyahu loogu baaqay inuu ka noqdo aqoonsiga Somaliland.

Hase yeeshee, hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa soo dhaweeyay go’aanka Israa’iil, isaga oo amaanay Netanyahu “hogaamintiisa iyo sida uu u taageerayo xasilloonida iyo nabadda gobolka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay dhaq-dhaqaaqa Israa’iil inuu yahay “ficil aan xisaab lahayn, si aasaasi ahna khaldan isla markaana sharci-darro ah sida uu qabo sharciga caalamiga ah.” Waxa uu ballan qaaday in Soomaaliya ay ka hortagi doonto joogitaanka militariga Israa’iil ee Somaliland.

“Waxaan iskaga difaaci doonnaa awooddeenna. Dabcan, waan isdifaaci doonnaa,” ayuu yiri. “Taas macnaheedu waa inaan la kulmi doonnaa xoog kasta oo Israa’iil ku soo gala, maxaa yeelay annaga taas kama ogolaan doono.”

Aqoonsiga Israa’iil ayaa si weyn u beddelay taariikhda Somaliland, oo muddo dheer ku jirtay cidlo diblomaasiyadeed. Gobolka ayaa ka go’day Soomaaliya intii uu socday dagaal sokeeye. Somaliland ayaa tan iyo xilligaa xasillooni yeelatay, waxayna yeelatay aqoonsi siyaasadeed, lacag u gaar ah, calan iyo baarlamaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in faragelinta Israa’iil ay khatar ku tahay amniga, xasilloonida iyo ganacsiga, saameynna ku yeelanaysa guud ahaan Afrika, Badda Cas iyo dunida inteeda kale. Waxa uu xusay in rabshadaha Israa’iil ee Gaza aan laga sooci karin wixii ka dhacaya Somaliland, taas oo muujinaysa daciifnimada nidaamka caalamiga ah.

“Waa arrin ka mid ah welwelka caalamiga ah: daciifnimada nidaamka caalamiga ah ee ku salaysan xeerarka. Nidaamkaas hadda ma jiro sidii uu ahaan jiray,” ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digay in hay’adihii la aasaasay kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka “halis weyn ku jiraan”, maadaama “xooggu uu noqday kan sax ah, sharciyada caalamiga ahna si tartiib tartiib ah loo bedelayo.”

Dhanka kale, Mareykanka weli ma muujin isbeddel weyn oo ku saabsan arrinta Somaliland, inkastoo Donald Trump bishii Agoosto uu soo jeediyay inuu ka shaqeynayo arinta markii la weydiiyay inta uu joogay shir jaraa’id oo Aqalka Cad.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay