Afhayeen u hadlay fallaagada M23 ayaa BBC-da u sheegay in ay in ay diyaar u yihiin nabad waarta haddii ay tani dhacdo ka hor inta aan la gaadhin waqtiga loo qabtay 18-ka August 2025oo lagu wado in heshiis nabadeed uu dhex maro Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo kooxda M23.
Oscar Balinda ayaa sheegay in kooxdu ay hore u qaadday tallaabo nabadeed oo ay doonayso in ay la gaadho dawladda DR Congo una gudbisay dalka Qatar oo ah dhexdhexaadiyaha hoggaaminaya geeddi-socodka nabadda ee Dooxa.
“Wax walba oo na looga baahnaa waan samaynnay, hadda waxaan ka sugaynaa dawladda in ay wax ka qabato si xal loo gaadho” ayuu yidhi.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.