Garabka weerarka ee reer Colombia, Luis Díaz, ayaa si rasmi ah uga tagay Liverpool isagoo ku biiray kooxda Jarmalka ee Bayern Munich, waxaana uu ka hadlay dareenkiisa ku aaddan heshiiskiisa cusub iyo sababihii uu ugu biiray Bayern.

Díaz oo la hadlayay saxaafadda kaddib markii lagu dhawaaqay saxiixiisa ayaa yiri:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay, waana wax weyn in aan qayb ka noqdo FC Bayern – waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka.”
“Waxaan doonayaa in aan kooxdeyda cusub la gaaro guulo oo aan ka caawiyo hanashada koobab.”
“Hadafkeygu waa in aan ku guuleysanno dhammaan koobabka suuragalka ah, waana waxa aan si wadajir ah uga shaqeyn doonno maalin kasta.”
Saxiixa Díaz ayaa ah tallaabo muhiim u ah qorshaha Bayern ee dib-u-dhiska kooxda kaddib xilli ciyaareed liitay, waxaana lagu wadaa in xiddiga 28-jirka ah uu door weyn ka ciyaaro weerarka koooxda.
Bayern ayaa la filayaa inay sii wado xoojinta safkeeda ka hor inta uusan xirmin suuqa xagaaga, iyadoo saxiixa Luis Díaz uu noqonayo arrin calaamad u ah niyad-samida kooxda ee hanashada Bundesliga iyo Champions League.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 Mhz KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.