Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

10 / 100 SEO Score

Halyeeyga Liverpool Steve Nicol ayaa si kulul u dhaleeceeyay saxiixa cusub ee kooxda, Florian Wirtz, ka dib markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League Jimcihii.

Nicol ayaa sheegay in xiddiga reer Jarmal uu khaladaad badan sameeyay intii lagu jiray guushii 4-2 ee Liverpool ka gaartay Bournemouth, isagoo su’aal geliyay sababta Liverpool ugu soo iibsatay £116 milyan.

Inkastoo Wirtz laga filayay waxqabad sare ka hor kulanka, taageerayaasha qaar ayaa niyad-jab ka muujiyay qaab ciyaareedkiisa. Nicol ayaa sheegay in Wirtz ka uu arkay uu ahaa mid aanu ku filneyn hiigsiga kooxda:

“Goorma ayuu Wirtz bilaabi doonaa inuu Liverpool ugu ciyaaro sida laga rabo?
Waxaan u maleynayaa in uu ahaa mid aan wax faa’iido u laheyn kooxda. Wax badan wuxuu kubbada u dhiibay ciyaartoyda kasoo horjeeda halkii uu kubadda la qeybsan lahaa xiddigaha kooxdiisa. Waxqabadkiisu ima qancin.
Ma jirin xawaare dhab ah oo uu muujiyay. Wuxuu u muuqday mid ku wareegaya garoonka sida inuusan hubin meesha uu ku sugan yahay si uu kubbada u helo.”

In kasta oo Nicol dhaliilay, xogta ciyaarta ayaa muujinaysa in Wirtz uu jaray masaafada ugu badan ciyaarta (11.3 km), sameeyay 69 taabasho, isla markaana dhammaystiray 37 ka mid ah 48 kubbadood oo uu helay, iyadoo saxnaanta baasaskiisa ay gaareen 77%.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay