Xog Kooban: Ardayda Kaalmaha Ugu Sareeya Ka Galay Degmada Kismaayo iyo Dugsiyadooda
Waxaan halkan idinkula wadaagaynaa magacyada ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka galay degmada Kismaayo, kuwaas oo sidoo kale ka mid noqday tobanka arday ee ugu sarreeya Jubbaland sanadkan:

1 Nimco Maxamed Ashar Cabdi – Dugsiga Beder, kaalinta 2aad ee guud ahaan Jubbaland.
2 Fatxi Nuur Axmed Cismaan – Dugsiga Horyaal, kaalinta 4aad ugashay jubbaland.
3 Maxamuud Maxamed Cabdiraxmaan – Dugsiga Faanoole, kaalinta 6aad ugalay jubbaland.
4 Naciimo Soodal Ibraahim Halane – Dugsiga Kismaayo, kaalinta 8aad ugalay jubbaland .
5 Maxamuud Cabdicasiis Xaajir Yuusuf – Dugsiga Faanoole, kaalinta 9aad ugalay jubbaland.
6 Maxamuud Axmed Maxamed – Dugsiga Barwaaqo, kaalinta 10aad ugalay jubbaland .
fiiro gaar ah : Tobanka arday ee ugu sareeya Jubbaland, waxaa degmada Kismaayo kaga jira lix arday, taasoo ah guul weyn oo mudan in la xuso lana bogaadiyo.
Waxaa kaloo aan hambalyo u diraynaa Dugsiga Buulo Gaduud, oo ku guuleystay kaalinta 1aad ee degmada Kismaayo, isla markaana galay kaalinta 3aad ee guud ahaan Jubbaland, marka la eego celceliska natiijada imtixaanka.
Bahda Dalbile Radio oo Isku Duuban Waxay Idin Leeyihiin Hambalyo dhammaan ardayda, waalidiinta, iyo macallimiinta ka qayb qaatay guushan!
dalbile Radio Ka dhageyso 98.0 mhz Kismayo iyo Nawaaxigeeda.