Weeraryahanka Barcelona Robert Lewandowski ayaa si diirran u soo dhoweeyay imaanshaha Marcus Rashford, oo amaah kaga yimid Manchester United xilli-ciyaareedka 2025/26.

Lewandowski ayaa yiri:
“Waa ciyaaryahan hibo badan, wuxuu leeyahay firfircooni iyo caafimaad fiican, wuxuuna naga caawin karaa meelo kala duwan.”
“Kala duwanaanta boosaska uu ka ciyaari karo aad ayay muhiim u tahay, taasina waa wax faa’iido weyn u leh kooxda.”
Rashford ayaa qeybtii labaad ee xilli-ciyaareedkii hore (2024/25) amaah ugu ciyaaray Aston Villa, isagoo 17 kulan u saftay.wuxuu dhaliyay 4 gool isagoo sameeyay 6 caawin dhammaan tartamada.
Waxaa la filayaa in Lewandowski iyo Rashford ay iska garab ciyaaraan kulankooda ugu horreeya oo saaxiibtinimo ah marka Barcelona ay la ciyaarayso Vissel Kobe.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 Mhz KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.