Ururka Kubadda Cagta Jubaland ayaa maanta agab isboortis ku wareejiyay kooxaha heerka koowaad ee Jubaland, si loogu diyaariyo tartanka horyaalka soo socda.
Kulanka wareejinta qalabka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Jubaland Mudane Axmed Cabdullaahi Axmed (Qaldaan), oo sheegay in qalabkan uu yahay mid si gaar ah loogu talagalay kooxaha, kana kooban dhar “home” iyo “away” ah oo ay koox walba si u gaar ah u yeelan doonto. Wuxuu xusay in markii hore aysan kooxuhu lahayn dhar u gaar ah, balse maanta la siiyay qalab rasmi ah oo aan koox kale ku ciyaari doonin.
Horyaalka heerka koowaad ee Jubaland ayaa si rasmi ah u furmi doona 22/05/2026, iyadoo kooxaha lagu dhiirrigeliyay inay galaan diyaar-garow buuxa.
Qalabkan isboorti waxaa iska kaashaday Ururka Kubadda Cagta Jubaland iyo shirkadda AZAAD SPORTS HOUSE oo ugu talagashay in ay taageerto horumarinta ciyaaraha isla markaana kooxaha siiso qalab tayo leh oo u gaar ah.
