Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

5 / 100 SEO Score

Sida uu ku warramayo wargeyska mundo Deportivo, weeraryahanka Barcelona ee Lamine Yamal ayaa dejiyay hadafyo cusub oo uu ku doonayo inuu kor ugu qaado saameyntiisa garoonka xilli-ciyaareedka 2025/26.

Xiddiga da’yarta ah ee Rocafonda, kaasoo kulankii furitaanka horyaalka ee Mallorca  dhaliyay gool, caawiyay mid kale isla markaana si weyn uga qeyb qaatay weerarka, ayaa go’aansaday inuu kor u qaado heerkiisa shaqsiyadeed.

Yamal ayaa bartilmaameed ka dhigtay:

-Inuu dhaliyo goolal ka badan kuwii xilli ciyaareedkii hore.

-Inuu kaalin weyn ka qaato laadadka xorta iyo rigooreyaasha.

-Inuu noqdo tiirka dhexe ee weerarka Barcelona.

Weeraryahankan 18-jir ah, oo dhawaan xirtay lambarka caanka ah ee 10, ayaa qaaday masuuliyadda hogaaminta hal-abuurka iyo tirakoobka kooxda.

Tababarada ayaa durba muujinaya dadaalkiisa, isagoo xoogga saaraya dhamaystirka, laadadka fog iyo laadadka meelaha gaa-gaaban. Macallimiinta iyo ciyaartoyda kale ayaa qiray kartidiisa iyo hamigiisa.

Kadib markii uu soo jiitay xagaaga iyo kulankii furitaanka, hadafyadan cad ayaa muujinaya inuu doonayo inuu xilli-ciyaareedkan dhigo taariikh, isagoo noqon kara mid ka mid ah xiddigaha ugu caansan La Liga.

KALA SOCO WARARKEENA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay