Ciyaaryahankii hore ee xulka England Jamie Redknapp ayaa doortay laba kooxood oo uu ku tilmaamay kuwa ugu cadcad ku guuleysiga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan cusub.
Liverpool ayaa ku billaabatay difaacashada horyaalka guul, kadib markii ay 4-2 ku garaaceen Bournemouth garoonkooda Anfield. Dhanka kale, Manchester City oo kaalinta 3-aad ku dhammeysatay xilli ciyaareedkii hore ayaa si xooggan ku bilaabatay, iyagoo 4-0 ku xaaqay Wolves.

Arsenal ayaa kulankooda ugu horeeya ciyaari doona Axadda, iyagoo booqanaya Manchester United garoonka Old Trafford, halka Chelsea – oo dad badan u arkaan “dark horses” – ay martigelin doonto Crystal Palace.
Redknapp ayaa sheegay in tartanka horyaalka uu noqon doono mid u dhexeeya Liverpool iyo Arsenal, isagoo u warramay Sky Sports wuxuu yiri:
“Waxaan u maleynayaa inuu noqon doono dagaal aad u adag oo u dhexeeya labadaas kooxood [Liverpool iyo Arsenal].
Man City dabcan waxay dib u helayaan Rodri, taas waa war fiican. Laakiin weli waxaan qabaa inuu yara gaabid ku jiro, waxayna si weyn u dareemi doonaan maqnaanshaha Kevin De Bruyne.”
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.