Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoggaamiyey munaasabad lagu daahfurayay iskuul nidaami ah oo leh Hoy (Boarding School), kaas oo loogu talagalay waxbarashada, daryeelka, iyo horumarinta carruurta, gaar ahaan agoonta iyo kuwa u baahan taageerada bulshada.
Hirgelinta mashruuca xarunta iyo iskuulka, oo xambaarsan aragti bini’aadannimo, ayaa door weyn ka qaadan doona.
Bixinta waxbarasho tayo leh oo nidaamsan.
Hoy iyo deegaan ammaan ah oo ardaydu ku barbaaraan.
Adeegyo bulsho iyo daryeel dhameystiran.
Kobcinta anshaxa, aqoonta, iyo kartida ardayda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa carrabka ku adkeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda u taageerayo mashaariicda noocan ah, isaga oo tilmaamay in waxbarashada iyo daryeelka carruurta ay yihiin udub-dhexaadka horumarka iyo xasilloonida mustaqbalka caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha hirgeliyay mashruucan ayaa ballanqaaday inay sii xoojin doonaan dadaallada lagu taageerayo waxbarashada, agoonta, iyo adeegyada bulshada, si loo helo jiil aqoon leh, anshax suubban, oo qayb ka qaata dib-u-dhiska dalka.
