Dhawaan waxaa soo shaac baxday dhacdo naadir ah oo naxdin leh oo ku dhacday haweeney uur leh oo ku nool gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya kaas oo cunugga (uurjiifka) uu ku beermay beerka halkii uu ku beermi lahaa ilmo-galeenka haweeneyda.
Kiiska dhibbanaha 35-jirka ah ee Sarvesh wuxuu noqday diiradda dhakhaatiirta iyo khubarrada caafimaadka ee Hindiya.
Ka dib markii warkani soo shaac baxay, khubarrada caafimaadka, oo ay ku jiraan dadweynaha guud ahaan, waxay rabaan inay ogaadaan sida waxaas oo dhan u suurtagashay iyo sida ay tahay xaaladda haweeneyda, Sarvesh, hadda?
Waxaan sidoo kale la tagay tuulada Sarvesh ‘Dastora’ si aan jawaabo ugu helno su’aalahan la midka ah.