Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

4 / 100 SEO Score

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Degmada Ceelwaaq, Gobolka Gedo, ayaa maanta deeq raashin ah u qeybiyay ku dhowaad 100 qoys oo isugu jira waayeel, agoon iyo qoysas danyar ah oo si toos ah ay u saameysay abaarta baahsan ee ka jirta deegaankaasi.

Deeqdan raashinka ah ayaa waxaa soo aruuriyeen ganacsatada ku nool magaalada Ceelwaaq, kuwaas oo ka qeyb qaatay dadaallada lagu garab istaagayo dadka ay xaaladaha adag ku hayaan saameynta abaarta daba dheeraatay.

Raashinka la qeybiyay ayaa isugu jiray bur, bariis, sonkor iyo saliid, kuwaas oo loogu talagalay in lagu yareeyo baahida deg-degga ah ee haysata qoysaska tabaaleysan, gaar ahaan waayeelka iyo carruurta aan haysan daryeel ku filan.

Degmada Ceelwaaq, oo ka mid ah deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa kamid ah meelaha sida weyn ay u saameysay abaarta ka jirta guud ahaan dalka, taas oo sababtay biyo la’aan, cunno yari iyo xaalado nololeed oo aad u adag.

Mas’uuliyiin ka tirsan guddiga gurmadka ayaa sheegay in baahida jirta ay weli tahay mid aad u ballaaran, isla markaana ay jiraan qoysas badan oo weli u baahan gargaar deg-deg ah. Waxay ugu baaqeen hay’adaha samafalka, dowladda Jubbaland iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed inay xoojiyaan taageerada loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wada dadaallo kala duwan oo lagu doonayo in wax looga qabto saameynta abaarta, iyadoo maamulka iyo bulshada deegaanka ay iska kaashanayaan gurmadka deg-degga ah iyo wacyigelinta ku aaddan la tacaalidda xaaladaha adag ee abaarta.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Ceelwaaq ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay ganacsatada iyo bulshada ka qeyb qaadatay taakuleynta, iyagoo xusay in isku duubni iyo wadajir ay tahay furaha lagu yareyn karo dhibaatooyinka abaarta ee ku habsaday dadka reer Jubbaland.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay